Arbaco, 25 Nofembar 2026
Wararka Gudaha

Ciidanka Xoogga oo la wareegay Hub laga furtay Al-shabab.

Ciidanka Xoogga oo la wareegay Hub laga furtay Al-shabab.

Sh Hoose : Ciidanka howl-galka midowga Afrika ee ATMIS ayaa hub laga furtay Ururka Al-shabaab waxa ay ku wareejiyeen Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, kuwaas oo lagu soo furtay howlgallo la sameeyay.

Hubkan oo isugu jira Midka fudud iyo kan Culus ayaa waxaa kamid ah, dhashiikayaal, hubka fudud iyo rasaas fara badan waxaana howlgalka looga soo furtay  Al-shabaab hubkaan sameeyay Cutubyo ka tirsan Ciidanka xoogga dalka iyo kuwa ATMIS oo howl-gallo ka sameeyay qeybo ka mid ah gobolka Sh hoose.

Marwo Fiona Lortan, oo ah taliye ku xigeenka ATMIS ayaa sheegtay in dowladda Soomaaliya iyo howl-galka midowga Afrika ay diiwaan gelin doonaan dhammaan hubka laga soo furto Al-shabaab.

Taliyaha ciidanka Lugta ee Soomaaliya Jeneraal Maxamed Tahliil Biixi ayaa ka mahad celiyay hubka ay ATMIS ku wareejiyeen CXDS, wuxuuna bogaadiyay iskaashiga ka dhaxeeya xoogagga midowga Afrika iyo Ciidanka xoogga dalka.

Ururka Al-shabab ayaa dagaal kula jira Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo ciidamada taageera ee dalka ku sugan waxaana mararka qaar dhacda in howlgallo lagu qaado goobaha ay joogaan , waxayna dhankooda weerarro ku ekeeyeen xarumaha ciidamada waxaana ugu dambeeyay weerar ay saaka waabarigii ku qaadeen deegaanka Ceel Baraf xero ay ku leeyihiin ciidanka Burundi ee qeybta ka ah howlgalka ATMIS.