Khamiis, 26 Nofembar 2026
Wararka Gudaha

Dowladda Somalia & Midowga Africa oo ka hadlay weerarkii Ceel Baraf.

Dowladda Somalia & Midowga Africa oo ka hadlay weerarkii Ceel Baraf.

Muqdisho : Dowladda Soomaaliya iyo Midowga Afrika ayaa cambaareeyay weerarkii Al-Shabaab ay ku qaadeen saldhig ay leeyiiin ciidamada Burundi ee ka tirsan kuwa Midowga Afrika oo ku yaalla deegaanka Ceel Baraf oo ilaa 65km dhinaca Waqooyi ka xiga magaalada Jowhar.

Bayaan uu soo saaray gudoomiyaha Midowga Africa Moussa Faki Mahamat ayuu ku sheegay inuu si adag u cambaareynayo weerarkan, isaga oo intaasi ku daray inuusan ‘weerarkan foosha xun hoos u dhigi doonin go’aanada ciidamada ATMIS.”

Dowladda Soomaaliya ayaa iyana dhankeeda cambaareysay weerarkan, kaas oo ay ku tilmaantay inuu ahaa mid ‘fool xun’ iyadoo sidoo kale tacsi uga dirtay shacabka iyo dowladda Burundi waxyeellada kasoo gaartay ciidankooda.

Warsaxaafadeedka wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa sidoo kale beesha caalamka ka codsaday inay kordhiyaan taageerada ay siiyaan ciidamada dowladda iyo kuwa Midowga Afrika ‘ee la dagaallanka Al-shabaab.

Al-Shabaab ayaa sheegtay in ay dileen 173 ka tirsan ciidamada Midowga Afrika ee ATMIS, iyagoo sidoo kale sheegtay in ay gacanta ku dhigeen ciidamo kale oo ay ku sheegeen ‘maxaabiis dagaal’ inkastoo aan labada sheegasho si madax-banaan looma xaqiijin karin.

Dowladda Soomaaliya iyo Taliska Midowga Africa midkoodna faah-faahin dheeraad ah kama bixin khasaraha ka dhashay weerarkan ay shalay aroortii ku qaadeen xerada ciidamada Burundi ee deegaanka Ceel Baraf.