Goorta la qabanayo doorashada Kursiga ay ka geeriyootay Xil Aamina.
Jowhar : Guddiga Hirgalinta Doorashada Hirshabelle ayaa shaaciyay waqtiga la qabanayo doorashada kursiga HOP#135 oo ah kursiga ay ka geeriyootay Xildhibaan Aamino Maxamed Cabdi oo lagu dilay qarax lagula eegtay magaalada Beledweyne.
Waxa uu guddiga SEIT ee Hirshabelle sheegay in doorashada kursigan ay ka dhici doonto magaalada Jowhar 5ta bishan aynu ku jirno oo ku beegan maalinta Khamiista beirto ah.
04/05/2022 ayaa la diiwaangelinayaa ergada iyo Murashixiinta kursigan halka 05/05/2022 la qaban doono doorashada kursigan sida ay shaaciyeen Guddiga SEIT Hirshabelle.
Sidoo kale guddiga SEIT Hirshabelle ayaa shaaciyay Guddiga Xulista Ergada (GXE) kursiga HOP#135 kuwaas oo ka kooban saddex nabadoon iyo labo xubnood oo ka socda Bulshada Rayidka ah.
Halkan hoose ka aqriso magacyada guddiga xulaya ergada kursiga HOP#135.