Go’aan laga qaadanayo xildhibaanada gobolka Gedo.
Muqdisho : Gudoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa shaaciyay in maanta wixii ka dambeeya ay go’aan ka gaari doonaan Xildhibaanada khilaafka ka jira ee lagu soo kala doortay Ceelwaaq iyo Garbaahaarey.
Sheekh Aadan Madoobe oo ka hadlaayay furitaanka kulanka maanta ee Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa waxaa uu sheegay in kooramka aysan ku jirin Xildhibaanada khilaafka uu ka jiro, isla markaana khilaafaas ay xal ka gaari doonaan.
Wuxuu tilmaamay Gudoomiyaha in fadhiga Golaha ay farriisan doonaan oo kaliya Xildhibaanada sharciga ah ee uusan buuq ka jirin, isagoona xusay in Xildhibaanada lagu soo kala doortay Ceelwaaq iyo Garbahaarey aan lagu dari doonin kooramka.
“Xubnaha Ceelwaaq iyo Garbaharaay waxaan u sheegayaa in maanta wixii ka danbeeya go’aan aan ka gaari doono way fadhin karaan maanta laakiin tirada kuma jiraan” ayuu yiri Gudoomiye Sheekh Aadan Madoobe.
Ugu dambeyn Gudoomiyaha Golaha Shacabka ayaa cadeeyay in loo baahan yahay in si deg deg ah loo qabto doorashada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka, maadaama doorashada dalka ay dib u dhacday muddo laba sano ah.