Arbaco, 25 Nofembar 2026
Wararka Gudaha

Howlgal ka socda duleedka Ceel Baraf.

Howlgal ka socda duleedka Ceel Baraf.

Sh Dhexe : Ciidamo katirsan kuwa dowladda Soomaaliya & kuwa Midowga Afrika ee ATMIS ayaa waxaa ay howgal xoogan ka bilaabeen  duleedka deegaanka Ceel baraf halkaas oo dhawaan weerar qorsheysan ay ku qaadeen Al-Shabaab.

Ciidamada oo wata Gaadiidka dagaalka iyo hubka culus ayaa ku sugan inta u dhaxeeysa deegaanada Ceel baraf iyo miir tuugo ee Gobolka Shabeellaha dhexe, waxaana la sheegay inay sameeynayaan howlgallo isugu jira baaritaano iyo Miino baaris.

Dad ku sugan deegaanka Ceel baraf ayaa inoo sheegay inay soo wajahday cabsi la xiriirta inay dushooda ku dagaalamaan Ciidamada dowladda & kuwa ATMIS iyo Al-Shabaab maadaama weli qeybo kamid ah deegaanka ay ku sugan yihiin Al-Shabaab.

Al-Shabaab ayaa aroornimadii Talaadada ee todobaadkaan waxaa ay weerar qaraxyo ku billowday ku qaadeen Xerada Ciidamada ATMIS ee deegaanka Ceelbaraf, waxaana weerarkaas lagu dilay ciidan farabadan oo kamid ah kuwa Burundi ee howlgalka ATMIS.