Golaha Ammaanka ee QM oo ka hadlay weerarkii Ceel Baraf.
New york : Xubnaha Golaha Ammaanka ayaa si adag u cambaareeyay weerarkii ay Al-Shabaab ku qaadeen Saldhigga Ciidamada Midowga Afrika ee ATMIS ay ku leeyihiin deegaanka Ceelbaraf ee gobolka Shabeellaha Dhexe 3-dii bishan.
Waxa ay si weyn ugu mahadceliyeen ciidamada Difaaca Qaranka Burundi ee naftooda ku waayay gacan ka geysashada nabadeynta iyo xasiloonida Soomaaliya, waxayna tacsi tiiraanyo leh u direen ehelada dadkii ku dhintay, dowladda iyo shacabka Jamhuuriyadda Burundi, waxayna u rajeeyeen si degdeg ah inay u bogsoodaan dadka dhaawacmay.
Xubnaha Golaha Ammaanka ee QM ayaa sheegay inay si buuxda u taageersan yihiin dadaalka ay DFS iyo ATMIS ku doonayaan inay kaga hortagaan Khatarta kooxda Al-shabaab.
Waxay hoosta ka xariiqeen muhiimadda ay leedahay in la ilaaliyo guulaha ilaa hadda laga diiwaan geliyay Soomaaliya iyo kor u qaadista tayada taageerada Ciidamada Amniga Soomaaliya iyo kuwa ATMIS.
Xubnaha Golaha Ammaanka waxay ku booriyeen dhammaan Dowlad goboleedyada, si waafaqsan waajibaadka ka saaran sharciga caalamiga ah iyo go’aannada Golaha Ammaanka ee khuseeya, inay si firfircoon ula shaqeeyaan dawladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo dhammaan hay’adaha kale ee ay khusayso arrintan.
Xubnaha Golaha Ammaanka ayaa mar kale sheegay in ay ixtiraamayaan Madaxbanaanida Siyaasadeed, Midnimada Dhulka iyo si guudba Midnimada Soomaaliya.