Wararkii ugu dambeeyay dil ka dhacay Hiiraan.
Beledweyn : Wararka naga soo gaaraya gobolka Hiiraan ayaa waxa ay sheegayaan in kooxo hubeysan ay dil ka geysteen magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan sida ay inoo xaqiijiyeen ilo lagu kalsoonaan karo.
Koox bistoolado ku hubeysan ayaa la sheegay in ay dileen askari ka tirsanaa ciidanka dowladda oo si weyn looga yaqaanay xaafadaha magaalada Beledweyne.
Askariga la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Shuute Cabdullaahi waxa uuna ka mid ahaa Ciidamada dowladda Soomaaliya.
Kooxii dilka geystay ayaa la sheegay in ay goobta ka baxsadeen, waxaana halkaasi gaaray dilka kadib ciidanka booliska Hirshabeelle oo halkaasi ka sameeyay baaritaano.
Ma jirto ilaa iyo iminka cid ka tirsan madaxda maamulka Hirshabeelle ama hay’adaha amniga oo ka hadlay dilka magaalada Beledweyne loogu geystay askarigaan ka tirsanaa ciidamada Dowladda.