Talaado, 24 Nofembar 2026
Wararka Gudaha

Ciidanka Amniga Galmudug oo qabtay Maandooriye.

Ciidanka Amniga Galmudug oo qabtay Maandooriye.

Caabud Waaq : Ciidamada Booliska Maamulka Galmudug ee dagmada Caabudwaaq ayaa gacanta ku dhigay Gaari noociisu yahay NOHA oo ay saarnayeen 14 kartoon oo ah maandooriyaha Khamriga oo si qarsoodi ah loo gelin rabay Magaaladaas.

Gaarigan oo lagu qarinayay guri ku yaalla Xaafada October ee dagmada Caabud waaq ayey Ciidamadu xogtiisa heleen, kadibna waxa ay gacanta kusoo dhigeen gaariga iyo qamrigii saarnaa intaba.

Saraakiisha Ciidanka Booliska Maamulka Galmudug ayaa Warbahinta u sheegay inaysan  goobta ugu tagin dadkii watay gaarigan iyo shaqsigii lahaa guriga ayna kudaba jiraan isla markaana lasoo qaban doono si sharciga loo horgeeyo.

Laamaha amniga Galmudug ayaa marar kala duwan waxaa ay sidaan oo kale gacanta ugu soo dhigeen maandooriyaha noocyadiisa kala duwan sida Khamriga iyo Xashiishka, iyadoo ay Ciidamada uga digeen dadka ka ganacsada waxyaabaha maanka dooriya.

Degmada Caabud waaq ee dhacda gobolka Galgaduud ayaa kamid ah degmooyinka xuduuda la leh dhulka ismaamulka Soomaalida ee Itoobiya halkaa oo loo tiriyo inay kasoo gudbaan maandooriyaha ugu badan ee gudaha Soomaaliya la keeno.