Howlgallo lagu dilay xubno Al-shabaab ah.
Galgaduud & Gedo : Ururka hubeysan ee ciidanka NISA Duufaan ee ku sugan gobolka Gedo ayaa jid gooyo kala kulmay kooxda Al-Shabaab, xilli ay ka baxeen magaalada Garbahaarey kuna sii jeedeen Beled-Xaawo.
Dagaal kooban kadib waxaa la sheegay in ciidanku ay dileen dhamaan kooxdii dhigatay jid gooyada, meel u dhow deegaanka Tuulo-barwaaqo oo u dhaxeeya magaalooyinka Garbahaarey iyo Beledxaawo ee gobolka Gedo.
Xasan Aadan Maxamuud oo ah madaxa howlgallada NISA ee gobolka Gedo ayaa warbaahinta gudaha u xaqiijiyay inay si nabad ah ku gaareen degmada Beledxaawo oo ciidanka jidka loo galay ay markii hore ku sii jeedeen.
Dhinaca kale waxaa bariga gobolka Galgaduud lagu dilay Faarax Cali Warsame oo Al-shaba looga dhex yaqaanay (Sigane) oo ahaa horjoogihii Al-Shabaab ee deegaanada Cadakibir, Warshubo iyo Qaayib oo dhaca bariga gobolka Galgaduud.
Dilka ninkaan oo ahaa mid qorshaysan wuxuu ka dhacay deegaan lagu magacaabo Shurufle, waxaana fuliyay xubno ka tirsan sirdoonka dowladda Soomaaliya, sida ay xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan daraawiishta Galmudug.
Howlgalladan la sheegay in lagu dilay xubnaha iyo saraakiisha Al-shabaab ka tirsan ma jirto cid si madax banaan u xaqiijin karta marka laga yimaado wararka lagu baahiyay bogag ay baraha bulshada ku leeyihiin Ciidamada.