Ciidanka Danab oo howlgal qorsheysan fuliyay.
Jubada Hoose : Ciidanka Kumandooska Danab ayaa Hawlgal qorshaysan ka sameeyey tuulada buulo caliyow cismaan oo 5km u jirta degaanka caliyow barow ee gobolka shabeelaha hoose.
Howlgalkaan gaarka ah ayaa waxaa fuliyay Ciidan ka tirsan Ururka 4-aad, Guutada 16-aad Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka ee ka howlgala deegaanada maamulka Jubaland.
War qoraal ah oo looga hadlayay howlgalkaan ay ciidanka Danab sameeyeen oo lagu daabacay baraha ay Internet-ka ku leeyihiin ciidanka Danab ayaa u qornaa sida tan:-
“Hawlgalkan ayaa waxa lagu soo qabtay horjooge Aragagixisada u qaabilsana minooyinka kaas oo bulshada u maleegayayey Dhagar lagu dhibaataynayaayo waxana magaciisa lagu soo koobay jaabir sida uu Warbaahinta u Xaqiijiyey Taliyaha Ururka 4-aad Guutada 16aad Kumandooska Danab XDS Dhame Maxamed Cabduqadir Cali.
Inta badan ciidanka Danab ayaa sameeya howlgallo gaar ah oo ay ka fuliyaan deegaano ay joogaan xubno ka tirsan dhaq-dhaqaaqa Al-shabaab, waxaana xilliyada qaar dhaca weeraro qasaaro geysta.