Arbaco, 25 Nofembar 2026
Siyaasadda

Musharaxii ugu horeeyay oo is diiwaan geliyay.

Musharaxii ugu horeeyay oo is diiwaan geliyay.

Muqdisho : Shariif Sh Axmed Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa noqday musharaxii ugu horeeyay ee qaata shahaadada Musharaxa Madaxweynaha 10aad ee Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Goobta guddiga qaban qaabada doorashada madaxweynaha ee xarunta Aqalka Sare ayaa waxaa noqday musharaxii ugu horeeyay ee taga shuruudahana buuxiya Xildhibaan Shariif Sh Axmed oo ah madaxweynihii 7aad ee Soomaaliya.

Dadka ka faalooda arrimaha doorashada & siyaasadda Soomaaliya ayaa sheegaya in Shariif Sh Axmed uu kamid yahay musharaxiinta ugu cad cad oo ay suuro gal tahay inay ku guuleystaan doorashada Madaxweyne.

15-ka bishaan May ayaa lagu wadaa in teendhada Afisiyoni lagu qabto doorashada Madaxweyne, waxaana mudada is diiwaan gelinta musharaxiintu ay ku egtahay 10-ka bishaan, ka hor ayaa la rumeysan yahay inay harayaan musharaxiin dhowr ah.