Xubin kamid ahaa guddiga doorashada Madaxweynaha oo is casilay.
Muqdisho : Xildhibaan Maxamed Axmed Maxamed Beerey, ayaa isaga tagay xubin nimada Guddiga isku dhafka ah ee Doorashada Madaxweynaha 10aad JFS ee kala metalaya Golaha Shacabka & Aqalka Sare Baarlamaanka Federaalka.
Warqad uu ku saxiixanay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka 11aad JFS Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa sababta lagu sheegay arrin u gaar ah Xildhibaan Maxamed Beereey balse aanan la shaacin.
Guddoomiye Aadan Madoobe ayaa buuxiyay booska uu banneeyay Xildhibaan Maxamed Axmed Beereey ee xubinnada guddiga Doorashada Madaxweynaha JFS ee 10aad, waxaana booskaas lagu baddelay Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Sheekh.
Maxamed Axmed Beereey oo kamid ah xildhibaanadii ugu dambeeyay ee la doorto ayaa golaha shacabka kasoo gala dowlad goboleedka Hirshabelle, waxaana uu u tartamay guddoonka guddiga isku dhafka ah ee qabanqaabada doorashada Madaxweynaha 10aad ee Soomaaliya isaga oo helay 5 cod.