Kadib weerarkii Ceel Baraf Kenya oo adkeysay Amnigeeda.
Dowladda Kenya ayaa adkeysay amniga xuduudaha dalkeeda, iyadoo ciidamo dheeraad ah geysay xadka ay la wadaagto Soomaaliya, iyadoo ka cabsi qabta weerar uga yimaada Al-Shabaab oo lamid ah kii 3-dii bishan lagu qaaday saldhig ay ciidamada Burundi ku leeyihiin deegaanka Ceel-baraf, halkaasoo lagu dilay askar badan oo halkaasi ku sugneyd.
Sarkaal sare oo u hadlay dowladda Kenya ayaa sheegay iney heleen xog sheegeysa in Al-Shabaabka ka dagaalama Soomaaliya ay maleegayaan weerar ay ku dhibaateynayaan shacabka Kenya, wuxuuna sheegay in kooxda ka faa’ideysaneyso xili roobeedkan la galay, maadaama dhaq dhaqaaqyada la isugu kala gudbi karo uu aad u yaraanayo.
“Waxaan fahamsan nahay inay isku dayi karaan inay weeraraan bartilmaameedyada Kenya ka dib roobabkii ka da’ay qaybaha waqooyi ee dalkaasi kenya,” ayuu yiri sarkaal ka mid ah Ciidamada Kenya oo warbaahinta la hadlay.
Waxa uu sidoo kale sheegay in ciidamadda Sirdoonka ee dalkaasi ay la socdaan dhaq dhaqaaqyada kooxda Shabaab iyo xubnaha ka soo tilaabaya xadka isagoo laamaha amaanka faray iney laba jibaaraan howlgalada oo ay sare u qaadaan feejignanatooda.
“Waxaan isticmaalnaa sirdoon si aan ula socono dhaqdhaqaaqyada gudaha iyo Soomaaliya, waan ognahay sida ay wax u socdaan, waxaana nalagu wargeliyay inay jiraan dhaq-dhaqaaqyo ku wajahan xuduudka” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.
Si kastaba, Kooxda Al-Shabaab ayaa bilowgii bishan gudaha u galay saldhig weyn oo ciidamada Burundi ay ku leeyihiin deegaanka Ceel-baraf, iyadoo weerarkaas ay kooxdu sheegatay iney ku dishay inkabadan 150 askari, walow saraakiisha Burundi ay qireen dhimashada 30 askari, iyadoo xerada ay ku sugnaayeen xiliga weerarka 160 askari.