Khamiis, 26 Nofembar 2026
Wararka Gudaha

Maxkamad xukun ku riday askari dil geystay.

Maxkamad xukun ku riday askari dil geystay.

Hargeysa : Maxkamadda ciidanka Milatariga Somaliland ayaa xukun dil ah ku riday sarkaal ka tirsan ciidamada Milatariga, kaas oo loo heysto dilka gabar dhalinyara aheyd oo toogashadeeda xiisad uu ka abuuray gudaha Somaliland.

Sida lagu sheegay go’aanka maxkamada, Gaashaanle Dhexe Saalax Bullaale Jaamac ayaa lagu riday xukunkan toogahsada ah, isagoo dusha u ritay dilka Najma Cabdillaahi Maykal oo ka tirsaneyd Shaqaalaha Wasaaradda Beeraha Somaliland, dilka haweeneydan ayaa waxa uu dhacay 3-dii bishan May xili habeen ah.

Arrinta argagaxa leh ayaa ah in haweeneyda la toogtay xili ay u socotay dukaan ay dooneysay iney ka asoo adeegato, iyadoo isu diyaarineysay guurkeeda oo maalmo kooban uu ka harsanaa xiliga la toogtay kahor, waana taas sababaha soo dadajiyay in go’aanka deg dega ah ay qaadato Maxkamadda Ciidamadda Milatariga ee Somaliland.

Wararka ayaa intaasi ku sii daraya in goobta maxkamadeynta sarkaalka dilka geystay ay ku sugnaayeen Saraakiil katirsan Ciidamada Millateriga Somaliland, ehelada Marxuumada iyo Sarkaalka xukunka lagu riday iyo dad kale oo goobjoog ka ahaa xukunka.

Dhawaan Ehellada Marxuumad Najma Cabdillaahi Maykal ayaa waxa ay xukuumadda Somaaliland ka codsadeen inay cadaalad u helaan Gabadhooda, taas oo ugu dambeyn maanta xukun dil ah lagu fuliyay askaraigii dilka geystay.