Arbaco, 25 Nofembar 2026
Wararka Gudaha

Qarax qasaare geystay oo ka dhacay Sh Dhexe.

Qarax qasaare geystay oo ka dhacay Sh Dhexe.

Buurane : Qaraxa oo ahaa miinada nooca dhulka lagu aaso ayaa ciidamo katirsan kuwa dowladda Federaalka ah waxaa lagula eegtay deegaanka Buurane oo dhaca duleedka Magaalada Jowhar ee Caasimadda Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle.

Goobjoogayaal ayaa inoo sheegay in ciidamada qaraxa lala eegtay ay la socdeen Mooto nooca labada lug leh ee Feekoonta loo yaqaan, waxaana qaraxa ku dhintay hal Askari halka mid kale uu ku dhaawacmay.

Ciidamo kale oo katirsan kuwa dowladda kana agdhowaa halka uu qaraxa ka dhacay ayaa gaaray goobta uu qaraxu ka dhacay, iyaga oo halkaasi ka qaaday askarta ay waxyeeladu soo gaartay.

Dadka kunool deegaanka Buurane ee Gobolka Sh Dhexe ayaa sheegay inay wajahayaan cabsi amni, kadib markii deegaanka ay kusoo bateen qaraxyada, todobaadkii hore ayaa deegaankaas lagu qarxiyay Ciidamo katirsan kuwa howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS.

Dhaq dhaqaaqa Al-shabaab ee la dagaalama ciidamada dowladda Soomaaliya & kuwa taageera ayaa inta badan wadooyinka ku aasa qaraxyo kuwaas oo xiliyada qaar dhibaato ay kasoo gaarto dad shacab ah.