Arbaco, 25 Nofembar 2026
Siyaasadda

Hir-shabelle, Koonfur Galbeed & Jubaland oo kulan gaar ah yeeshay.

Hir-shabelle, Koonfur Galbeed & Jubaland oo kulan gaar ah yeeshay.

Muqdisho : Waxaa Magaalada Muqdisho kulan xasaasi ah ku yeeshay Guddoomiyeyaasha Baarlamaanada Dowlad Goboleedyada Hirshabeelle, Galmudug iyo Jubaland.

Kulanka oo uu soo qaban qaabiyay Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabelle Dr Abdulhakim Lukman Haji Mohamed ayaa looga hadlay Iskaashiga Golayaasha Baarlamaanada Dowlad Goboleedyada, arrimaha doorashoyinka Dalka iyo wada shaqeynta Golayasha Baarlamanada Dowlad Goboleedyada iyo Goleyaasha Sharci Dejinta Qaranka Aqalka Sare iyo Golaha Shacabka BJFS.

War kasoo baxay Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Hir-Shabeelle ayaa waxaa lagu sheegay in kulamada wadatashiga ah ee Guddoomiyeyaasha ay sii socon doonaan maal maha soo socda.

Waxaa magaalada Muqdisho ka soconaya qaban qaabadii ugu dambeysay ee diyaar garowga doorashada Madaxweynaha 10aad ee JFS, waxaana gelinka dambe ee manta lasoo gaba gabeynayaa diiwaan gelinta musharaxiinta doonaya inay u tartamaan xilka madaxweyne ee Soomaaliya.