Arbaco, 25 Nofembar 2026
Siyaasadda

Mas’uuliyiin xilka laga qaaday oo shaqooyinkooda wata.

Mas’uuliyiin xilka laga qaaday oo shaqooyinkooda wata.

Gaalkacyo : Wafdi uu hogaaminaayo Wasiirka Maaliyadda Puntland ahna Gudoomiyaha guddiga dib u-habeynta Ciidamada Xasan Shire Cabdi iyo Taliyaha Ciidamada Difaac Puntland Gen. Yaasin Cumar dheere ayaa gaaray magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug.

Wasiir Xasan Shire Abgaal ayaa kamid ahaa Saddex Wasiir oo Madaxweyne kuxigeenka Puntland uu xilka qaadis ku sameeyay, waxaana Mas’uuliyiintan  magaalada gaalkacyo ku soo dhaweeyay mas’uuliyiinta maamulka gobolka kan degmada iyo taliyeyaasha kala duwan ee ciidamada.

Wasiirka Maaliyadda Puntland Xasan Shire Abgaal ayaa sheegay in ujeedka socdaalkooda uu salka ku hayo tababar loo soo xirayo cutubyo ka tirsan Ciidamada Difaaca Puntland oo muddo tababar uga socday Dugsiga tababarka Gen. Careys ee Magaalada Gaalkacyo.

Waxaa ay u muuqataa in aysan dhaqan gelin wareegtooyinkii xilka qaadista ahaa ee uu dhawaan soo saaray kusimaha ahna Madaxweyne kuxigeenka Puntland, iyada oo Wasiiradii uu xilalka ka qaaday ay sicaadi ah u wataan Shaqadooda.