Arbaco, 25 Nofembar 2026
Wararka Gudaha

Hub iyo dadkii watay oo la qabtay.

Hub iyo dadkii watay oo la qabtay.

Ceek kari : Ciidamada xoogga gaarka ah “Liyuu Boolis” ee dowlad deegaanka Soomaalida ayaa waxaa la sheegay inay howlgal ku qabteen 8 Xubnood oo ka tirsan Ururka Al-Shabaab iyo hub ay wateen.

Howlgalkan oo ay fuliyeen Guutada 2aad ee Ciidanka Xoogga Gaarka ah ee “Liyuu Boolis” eek a howlgala Gobolada Erar, Afdheer iyo Nogob waxaana dadkaan iyo hubkooda laga soo qabtay tuulada Hilomadow ee degmada Ceelkari.

Saraakiisha Ciidamada ayaa waxa ay sheegeen inay si hoose ula socdeen dhaq dhaqaaqa, xubnahaan isla markaana dhammaan kooxdii iyo hubkii ay wateen ay gacanta ku soo dhigeen Ciidanka Amniga.

Hubka  ragga la qabtay ay wateen ayaa ka kooban qoryaha Ak47, rasaas iyo 10 baasuuke, kuwaas oo Saraakiisha Ciidamada ay sheegeen inay ku doonayeen inay weerar uga fuliyaan meelo kamid ah deegaanka Soomaalida.

Laba todobaad ka hor ayay aheyd markii sidaan oo kale Ciidamada dowlad deegaanka Soomaalida ay qabteen 32 Ruux iyo hub ay wateen, kuwaas oo looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin Ururka Al-Shabaab.