Ciidanka Jubaland & Danab oo Howl gal sameeyay.
Jubada Hoose : Dagaal u dhexeeyay Ciidanka daraawiishta Jubbaland, Kumaandooska DANAB oo isku dhinac ah iyo Al-shabaab ayaa waxa uu ka dhacay deegaano ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose, oo dhanka Koonfur ka xiga magaalada Kismaayo.
Dagaalkaan ayaa waxaa uu ka dambeeyay, kadib markii Ciidanka Jubbaland iyo kuwa DANAB ay weerar ku qaadeen saqdii dhexe ee xalay fariisimo Al-shabaab ay ku lahaayeen deegaanka Xaliima Cadeey oo ku dhow Buuĺa Xaaji oo Koonfur Galbeed Kismaayo kaga beegan.
Inta uu socday dagaalka ayaa labada dhinac waxaa ay isku adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan, isla markaana waxaa dagaalkii dhacay ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac, in kastoo aan si rasmi ah loo ogeyn khasaaraha jira inta uu gaarsiisan yahay.
Saraakiisha Ciidanka dowlad Goboleedka Jubbaland ee hoggaaminayey howlgalka ayaa guulo ka sheegtay dagaalkaasi xalay ka dhacay deegaanka Xaliima Cadeey, iyagoona sheegay inay dib faah faahin ka bixin doonaan.
Ciidamada Jubbaland iyo kuwa DANAB ayaa marar kala duwan waxaa ay howlgalo ka dhan ah Al-shabaab ka fuliyeen deegaano iyo degmooyin ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose ee Maamulka Jubbaland.