Arbaco, 25 Nofembar 2026
Wararka Gudaha

Ciidanka Danab oo fuliyay Howlgal hub iyo dad lagu soo qabtay.

Ciidanka Danab oo fuliyay Howlgal hub iyo dad lagu soo qabtay.

Ceel Cade : Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed gaar ahaan Ururka 5aad Guutada16 ee Kumaandooska Danab ayaa howlgal qorsheeysan waxaa ay ka fuliyeen deegaanka Ceelcade oo Qiyaastii 30km u jira magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose.

Saraakiisha ciidanka Danab ayaa waxaa ay sheegeen in howlgalka intii uu socday lagu dilay 11 Xubnood oo katirsan dagaalamayaasha Ururka Al-Shabaab halka ay nolosha ku qabteen laba Xubnood oo kale.

Sidoo kale waxaa ay sheegeen in howlgalka ay kusoo furteen lix qori oo AK47 ah & hal qori oo BKM ah, sida uu Warbaahinta Ciidamada u xaqiijiyey Taliyaha Ururka 5-aad Guutada 16-aad ee Danab Carab dheeg Axmed.

Inta badan ciidanka Danab ururkooda 5aad ee ka howlgala deegaanada Jubaland ayaa fuliya howlgalo ay ku baacsanayaan dagaalamayaasha Al-shabaab, iyadooo xilliyada qaar ay iska caabin & weeraro gaadmo ah ay kala kulmaan Al-shabaab.