Ciidanka Yahuuda oo dilay Gabar Wariye aheyd.
Jenin : Wariye ka tirsan Aljazeera ayaa lagu dilay rasaas ay ciidamada Yahuudu ku fureen maanta oo Arbaca ah dhulka la haysto ee Daanta Galbeed, sida uu sheegay Telefishinka laga leeyahay Qadar, balse militariga ayaa sheegay in laga yaabo in ay toogteen dad Falastiiniyin ah oo ay isku dhaceen ciidankooda.
Mid ka mid ah saraakiisha Falastiiniyiinta ayaa sheegay in Shireen Abu Caqila ay “dileen” ciidamada Yahuuda xilli ay ka warbixineysay weerar ka dhacay magaalada Jenin, oo todobaadyadii lasoo dhaafay ay kordheen weerarada ay ciidamadu maamulka Yahuudu geysanayaan.
Wasaaradda caafimaadka dowladda Falastiin ayaa xaqiijisay geeridaShireen Abu Caqila, waxayna sidoo kale sheegtay in wariye labaad oo lagu magacaabo Ali Samodi isna la dhaawacay.
War qoraal ah oo uu soo saaray militariga Yahuuda ayaa lagu sheegay in ciidamadooda ay rasaas ku fureen kadib markii ay “rasaas xoog leh” kala kulmeen Jenin, waxayna intaas ku dareen ‘inay ay suurta gal tahay, in suxufiyaddan ay ku dhimatay rasaas ay soo fureen falastiiniyiinta’, laakiin hadda uu socdo baaritaanka dhacdan.
Ciidanka Yahuuda ee duulaanka ku haya dhulka barakeysan ee Falastiin ayaa inta badan ugeysta Gabood fallo ka dhan ah Bani Aadan nimada shacabka Muslimka ah ee Falastiin.