Arbaco, 25 Nofembar 2026
Wararka Gudaha

Qarax qasaare geystay oo Muqdisho ka dhacay.

Qarax qasaare geystay oo Muqdisho ka dhacay.

Muqdisho : Qarax sababay dhimasho iyo dhaawac ayaa goordhaw waxa uu ka dhacay dhabaha xiriiriya KM4 iyo Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Qaraxaan ayaa waxa uu ahaa mid jugtiisa laga maqlay qeybo kamid ah xaafadaha degmooyinka magaalada Muqdisho waxaana warar soo baxaya ay sheegayaan inuu fuliyay qof xirnaa Jaakad ay ku rakibnaayeen waxyaabaha qarxa.

Inta la xaqiijiyay hal qof ayaa geeriyooday, waxaa jira dad uu dhaawac kasoo gaaray qaraxa oo aan la hubin inta ay tiro ahaan gaarsiisan yihiin, Ciidamada ammaanka Dowladda ayaa qaraxa kadib furay rasaas ay ku kala ceyrinayeen dad ku xoomay halka qaraxu ka dhacay.

Gaadiidka Gurmadka deg degga ah oo goobta tagay ayaa ku howlan in ay u gurmadaan dadka ay waxyeeladu kusoo gaartay qaraxa ka dhacay Koontaroolka KM4 ee laga galo garoonka diyaaradaha ee Muqdisho.

Wixii faahfaahin dheeraad ah halkaan kala soco