Shil ay askar ku dhinteen oo ka dhacay Somaliland.
Ceynaba : Inta la xaqiijiyay Hal askari oo katirsan Ciidamada Booliska Somaliland ayaa ku geeriyoiday 7 kalena waa ay ku dhaawacmeen kadib gaari ay saarnaayeen Ciidamada oo shil ku galay magaalada Ceynaba ee Somaliland.
Shilka ayaa waxaa uu yimid kadib markii uu rogmaday gaari nuuca ay Soomaalidu u taqaan Cabdi Bilaha oo ay saarnaayeen, waxaana 7 Askari oo dhaawacoodu culus yahay la geeyay Isbitaalka guud ee magaalada Ceynaba.
Ciidamo iyo Saraakiil katirsan ciidanka ilaalada wadooyinka Somaliland ayaa tagay halka uu shilku ka dhacay, iyaga oo goobta ka qaaday meydka Askariga iyo 7 kale oo la sheegay in dhaawacooda ay yihiin kuwo aad u culus.
Dhowr jeer ayaa sidaan oo kale Askar katirsan Ciidamada Somaliland ay dhimasho iyo dhaawac kasoo gaareen shilal gaari, waxayna dadku inta badan sheegaan inay sabab u tahay darawalada oo gawaarida si xowli ah ku wada.