Raila Odinga “Waxaan xoojinayaa xiriirka Somalia & Kenya”.
Islii : Hogaamiyaha mucaaradka dalka Kenya Raila Odinga ayaa balan qaaday in uu xoojin doono xiriirka laba geesoodka ah ee u dhaxeeya dowladaha Kenya iyo Soomaaliya, si buu yiri loo hormariyo dhaqaalaha Kenya.
Isagoo kula hadlayay magaalada Nairobi ururka ganacsatada xaafaddda Eastleigh, musharraxa xilka madaxweynaha Kenya mr Odinga ayaa wuxuu ku celiyay sida ay uga go’an tahay in uu wax ka qabto canshuuraha badan ee soo wajaha ganacsiyada.
Xildhibaan Yuusuf Xasan oo lagasoo doorto xaafadda Eastleigh iyo Fatuma Gedi oo laga soo doorto Wajeer ayaa sheegay Odinga inuu muujiyay inuu yahay hogaamiye heer sare ah oo kicinaya dhaqaalaha wadanka Kenya.
Raila Odinga hogaamiyaha xisbiga “Orange Democratic Movement” (ODM) ayaa horey u sheegay inuu dib usoo celin doono suuqa qaadka ee Kenya hadii madaxweyne loo doorto doorashada sagaalka August ee sanadan 2022 ka dhaceysa Kenya.
Qaadkii ay ganacsatada Kenya keeni jireen Soomaaliya oo dhaqaale badan ka soo gali jiray muwaadiniintooda ayaa waxaa joojisay dowladda Soomaaliya kadib khilaaf soo kala dhexgalay labada dowladood, wuxuuna Odinga wacad ku maray inuu suuqaas soo celin doono marka la doorto.
Odinga ayaa sheegay inuu ka warhayo dhibaatooyinka dhaqaale ee soo food saaray dadka reer Kenya, taas oo uu sheegay inay ugu wacan tahay joojinta Qaadkii ay Soomaaliya u dhoofin jireen.
“Waan faham sanahay dhibaatada beeraleyda qaadka, waxaana iga go’an in aan xal u helo suuqyada qaadka ee Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo,” ayuu yiri Raila Odinga.