Talaado, 24 Nofembar 2026
Wararka Gudaha

Ciidanka Danab oo howlgal ku dilay xubno Al-Shabab ah.

Ciidanka Danab oo howlgal ku dilay xubno Al-Shabab ah.

Kismaayo : Ciidanka Kumaandooska Danab gaar ahaan Ururka 5aad ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaano hoostaga Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose, halkaas oo ay ku sugnaayeen Xubno katirsan Ururka Al-Shabaab.

Saraakiisha Ciidanka Danab ayaa sheegay inay howlgalka ku burburiyeen fariisimo ay Al-Shabab ku lahaayeen deegaanada kala ah Qudus, Abaaqa ,Dharkeeyn & Urur isla markaana ay dadka ku dhibaateyn jireen dadka shacabka ah.

Sidoo kale howlgalka intii uu socday waxaa lagu dilay Saddex Xubnood oo katirsanaa Ururka Al-Shabaab laba kalena waa lagu dhaawacay sida uu Idaacadda Ciidamadda u xaqiijiyey Taliyaha Ururka 5-aad Guutada 16-aad kumaandooska Danab Taliye Carab Dheeg Axmed.

Dhinaca kale Kumaandooska Xoogga dalka ee Danab gaar ahaan Ururka 4aad ayaa howlgal Qorsheysan waxa ay ka sameeyeen warta madax maroodi & deegaanada ku teedsan oo ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose.

Ciidanka ayaa markii ay halkaas gaareen waxa ay sameeyeen hawlgallo baaritaano ah oo lagu xaqiijinayay Ammaanka deegaanka oo mararka qaar ay Al-Shabaab ku dhibaateynayeen Shacabka halkaas xoolahooda ka waraabsanaya.

Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Kumaandooska Danab ayaa inta badan sameeya howlgallo gaar ah oo ay ku baacsanayaan Al-shabab, waxanaa mararka qaar ay weeraro kala kulmaan xubno katirsan Ururka Al-Shabaab.