Ciidanka dowladda oo deegaan kala wareegay Ahlu Sunna.
Dhusa Mareeb : Ciidanka Kumaandooska GorGor ayaa dagaal kula wareegay deegaanka Sangooye oo ay isku aruursanayeen xubno ka tirsan kooxda la baxday Ahlu Sunna ee shalay weerarka ku qaaday balse markii dambe laga saaray Dhusa Mareeb.
Saraakiisha hogaamineysa ciidanka Kumaandooska Xoogga dalka ee Gorgor ayaa guulo ka sheegtay dagaalkii saaka ay ku qaadeen ciidanka Ahlu Sunna waxaana ay sheegeen in ay ku qabsadeen gaari Cabdi Bile ah iyo sanaad ciidan oo kale.
Ciidamada Amniga ayaa sidoo kale sheegay in ay kusii jeedaan deegaanka Bohol oo ah Saldhigga ugu weyn ee ciidanka Ururka Ahlu Sunna oo ay kasoo abaabulaan beryahan dambe weerarada ay ku qaadayaan magaalooyinka Galmudug.
Xaaladda magaalada Dhusa Mareeb ee Caasimadda Galmudug ayaa maanta dagan kadib markii shalay ay ka dhaceen dagaalo qaraar oo u dhaxeeyay Ahlu Sunnada hubeysan iyo ciidanka dowladda Soomaaliya oo garab ka helaya kuwa maamulka Galmudug.
Dhamaadkii bishii October 2021 ayaa xoogaga Ahlu Sunna waxaa laga saaray degmada Guriceel oo ay mudo bilk a badan haysteen, waxaana dagaalkaas ka dhashay khasaaro baahsan weerarkaan ayaana noqonaya midkii ugu cuslaa kadib dagaalkii looga saaray Guriceel.