Bandow ka dhaqan galay Muqdisho xilli doorashadu manta dhaceyso.
Muqdisho : Saqdii dhexe ee xalay waxaa guud ahaanba magaalada Muqdisho ka dhaqan galay bandoow si guud loogu soo rogay isu suocodka dadka iyo gaadiidka guud ahaan.
Waxaa lagu wadaa saacadaha soo socda in Teendhada Afisiyooni ee magaalada Muqdisho ay ka bilaabato doorashada xilka Madaxweynaha Soomaaliya oo ay ku tartami doonaan musharaxiin dhowr ah.
Waxaa si aad ah loo adkeeyay Amniga Caasimadda, iyada oo Ciidamada dowlada ay hakiyeen isku socodka dadka iyo gaadiidka noocyadiisa kala duwan oo ay kujirto Mooto Bajaajta oo si aad ah looga isticmaalo Muqdisho.
Xildhibaanada labada Gole ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa codeyn doona, waxaana sidoo kale goobjoog ka noqon doona hoolka doorashada korjoogto lagu casuumay oo isugu jira Soomaali iyo Ajaanib, waxaana Musharrixiinta maanta ku tartami doona xilka Madaxwrynaha Soomaaliya ay tiro ahaan gaarayaan 35 musharax.
Illaa iyo afar musharax ayaa si rasmi ah u sheegay inay ka hareen hardanka doorashada madaxweynaha 10aad ee JFS, Abdi kariin Guuleed & Abdi naasir Abdulle ayaa sheegay inay u tanaasuleen Abdirahmaan Abdishakuur, Mohamed Abdirahmaan Siiriin ayaa dhankiisa sheegay inuu u tanaasulay Madaxweyne hore Shariif Sh Axmed, halka Daahir Maxamud Geelle oo doorashada ka haray uusan sheegin sabab gaar ah ama musharax uu u tanaasulay midna.