Arbaco, 25 Nofembar 2026
Wararka Gudaha

Ciidanka Amniga oo wada howlgal ka dhan ah Ahlu Sunna.

Ciidanka Amniga oo wada howlgal ka dhan ah Ahlu Sunna.

Muqdisho : Ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug ayaa howlgallo ka dhan ah xoogagga Ahlu Sunnada hubeysan ee dhawaan weeraray magaalada Dhusa Mareeb ka wada duleedyada Magaaladaas.

Ciidamada ayaa saacadihii la soo dhaafay gaaray deegaanada Bohol iyo Sangooye, halkaas oo aheyd fariisinkii ugu weynaa oo ay ku sugnaayeen xoogagga Ahlu Sunnada hubeysan, waxaana la sheegay inay howlgallada ku qabteen dagaalameyaal katirsan kooxdii weerarka soo qaaday.

Sidoo kale waxaa la sheegay in ciidamada ay howlgalka kusoo furteen gaadiid dagaal oo ay wateen Ahlu Sunnada weerartay Dhusa Mareeb, sidoo kalena waxa ay sheegeen inay isku soo dhiibeen Saraakiil uu kamid yahay Cabdullaahi Cabdi Raage oo siweyn looga yaqaan deegaanada Galmudug.

Xaalada magaalada Dhusa Mareeb & deegaanada hoostaga ayaa dagan, kadib markii Jimcihii la soo dhaafay uu ka dhacay dagaal xoogan oo u dhaxeeyay Ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug oo dhinac ah iyo xoogagga Ahlu sunnada hubeysan ee saldhigga ku lahaa Bohol.

Wararka qaar ayaa sheegaya in ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug oo dhinac ah ay gacanta ku hayaan dhamaanba saldhig yadii ay weerarka kasoo qaadeen xoogagga Ahlu Sunnada hubeysan, waxaa sidoo kale wararku intaa ku darayaan inay ciidanku qabteen maxaabiis dagaal oo qaarkood qaba dhaawacyo.