Sarkaal ciidan & qoyskiisa oo qarax lagu dilay.
Kismaayo : Magaalada Kismaayo waxaa xalay lagu dilay Taliye ku xigeenkii guutada 11aad, qaybta 43-aad ee ciidanka xoogga dalka, Ismaaciil Sheekh Isxaaq iyo laba gabdhood oo uu Awoowe u ahaa.
Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qaabka uu weerarku u dhacay, warar aanu helnay ayaa sheegaya in sarkaalka iyo labadaas gabdhood lagu dilay qarax miino oo gurigooda loogu xiray.
Waxaa sidoo kale qaraxaas uu dhaawac kasoo gaaray Seddax qof oo isla qoyska ah, kuwaas oo iminka xaaladooda caafimaad lagu dabiibayo isbitaalka weyn ee magaalada Kismaayo.
Ciidamada amaanka ayaa baaritaano waxa ay ka sameeyeen xaafadda Guul-wade ee magaalada Kismaayo oo ah xaafada uu ku yaalo guriga lagu qarxiyay sarkaalkan iyo qoyskiisa.