Dhalinyaro ku geeriyootay shil ka dhacay Puntland.
Garowe : Laba Dhalinyaro ah oo lagu kala Magacaabi jiray Axmed Maxamed Ciise iyo Axmed Cabdinuur ayaa ku geeriyooday shilgaari oo saakay ka dhacay inta u dhaxaysa magaalooyinka Qardho iyo Garoowe ee maamulka Puntland.
Shilkaan ayaa yimid kadib markii uu rogmaday gaari ay saarnaayeen dhalin yarada oo ka yimid magaalada Qardho kuna sii jeeday magaalada Garowe ee xaunta Gobolka Nugaal, sida ay sheegeen dad goobjoogayaal ah.
Ciidamo katirsan kuwa nabad galyada wadooyinka Puntland ee taraafikada iyo dadweyne ayaa u gurmaday dadkii saarnaa gaariga shilka galay, kuwaas oo qaarkood oo dhaawacmay la geeyay Isbitaalka magaalada Garoowe.
Waa shilkii Saddexaad oo todobaad gudihiis ka dhaca deegaanada maamulka Puntland, kaas oo geysta qasaare dhimasho iyo mid dhaawac, iyada oo loo sababeynayo wadooyinka qaar oo burbursan iyo darawalada ka xeeya gaadiidka oo si xowli ah ku wada.
Inta badan wadooyinka gobolada dalka ayaa burbursan, qaarkood ayaanan in muddo ah helin wax dayactir ah waana sababta loo aaneeyo shilalka gaadiidka ee inta badan dhaca.