Talaado, 24 Nofembar 2026
Siyaasadda

Wararkii ugu dambeeyay ee doorashada & Musharaxiin tartanka ka haray.

Wararkii ugu dambeeyay ee doorashada & Musharaxiin tartanka ka haray.

Muqdisho : Waxaa magaalada Muqdisho gaar ahaan teendhada Afisiyooni ka soconaya doorashada madaxweynaha 10aad ee Soomaaliya.

Diyaar garowga doorashada oo qaatay waqti badan ayaa goordhaw waxaa bilaabatay codeynta Xildhibaanada, waxaana hooolka doorashada xaadir ku ah inta badan musharaxiinta u tartamaya xilka Madaxweynaha 10aad ee JFS.

Musharaxiin dhowr ah ayaa waxaa ay shaaciyeen inay isaga hareen tartanka doorashada madaxweynaha Soomaaliya waxaana ay musharixiintaasi kala yihiin:-

Jabriil Ibrahim Cabdulle.

Xuseen Cabdi Nuunow.

C/kariin Xuseen Guuleed.

Dahir Maxamuud Geele.

C/naasir Cabdulle.

Marka laga reebo musharixiinta ka haray doorashada tirada musharixiinta ah ee is diiwaangeliyay waxaa soo haraya 35 musharax kuwaasi oo ku tartami doono xilka ugu sareeyo ee dalka,

Doorashada madaxweynaha Soomaaliya ayaa haatan socota, iyadoona ay goobta ku suganyihiin xubno ka socda beesha caalamka, Madaxweynayaasha dowlad goboleedyada, Gudoomiyaha gobolka Banaadir iyo Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble.