Arbaco, 25 Nofembar 2026
Siyaasadda

Wareega 1aad ee doorashada madaxweynaha oo soo idlaatay.

Wareega 1aad ee doorashada madaxweynaha oo soo idlaatay.

Muqdisho : Waxaa goordhow soo idlaaday tirinta codadka Wareega 1-aad ee Doorashada Madaxweynaha 10aad ee JFS oo ka socota teendhada Afisiyooni ee magaalada Muqdisho.

Gudoomiyaha Golaha Shacabka Shiikh Aadan Maxamed Nuur ayaa ku dhawaaqay Natiijada wareega 1-aad oo ay musharaxiintu u kala heleen sida tan :-

1 : Saciid Cabdullaahi Deni oo helay 65 cod

2 :Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo helay 59

3 : Xasan Cali Khayre 47

4 : Xasan Shiikh Maxamuud 52 Cod

5 : Shariif Shiikh Axmed 39 Cod

6 : Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame 15 Cod

7 : Cabdiqaadir Cosoble 12 Cod

8 : Caddow Cali Gees 8 Cod

9 : Cabdiraxmaan Macalin Ablaal 2 Cod

10 : Thaabid Cabdi Maxamed 1 Cod

11 : Cabdinuur Sheekh Maxamed Maxamuud 2 Cod

12 : Cabdiraxmaan Cali 1 Cod.

Labo iyo tobankaa musharax ayaa ah kuwa helay codadkii la dhiibta, sidaasi daraadeed waxaa wareegga labaad ee doorashada Madaxweynaha u gudbaya musharixiinta kala ah:

1 : Saciid Cabdullaahi Deni

2 : Maxamed Cabdullaahi Farmaajo

3 : Xasan Shiikh Maxamuud

4 : Xasan Cali Khayre

Doorashada Madaxweynaha 10aad ee Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ku socota jawi aan lasii saadaalin Karin maadaama musharaxiinta soo gudbay ay dhamaantood yihiin kuwa saameyn leh, kana soo dhex baxay illaa iyo 36 musharax oo xilkaan hami ka lahaa.