Wareega 2aad ee doorashada madaxweynaha oo soo idlaatay.
Muqdisho : Waxaa goordhow soo idlaaday tirinta codadka Wareega 2-aad ee Doorashada Madaxweynaha 10aad ee JFS oo ka socota teendhada Afisiyooni ee magaalada Muqdisho.
Gudoomiyaha Golaha Shacabka Shiikh Aadan Maxamed Nuur ayaa ku dhawaaqay Natiijada wareega 2-aad oo ay musharaxiintu u kala heleen sida tan :-
1 : Hassan Sheikh Mohamuud 110
2 : Mohamed Abdulaahi Farmaajo 83
3 : Saciid Cabdulaahi Maxamed Deni 68
4 : Hassan Ali Kheyre 63
Wareegga 3aad ee ugu dambeeya doorashada madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya waxaa u gudbaya labada musharax ee ugu codka badan wareega 2aad oo kala ah Hassan Sh Mohamuud & Mohamed Abdulahi Farmaajo, hadii aysan wax is badalin oo uusan musharax tanaasulin.