Doorashada Madaxweynaha 10aad ee JFS.
Muqdisho : Waxaa iminka soo idlaatay doorashada madaxweynaha 10aad ee Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya, oo lagu qabtay xarunta ciidamada cirka Soomaaliya gaar ahaan teendhada Afisiyooni ee magaalada Muqdisho.
Doorashada mudo xileedkan ayaa soo jiitameysay muddo ka badan 1 sano, waxaana ugu dambeyn guddiga isku dhafka ah ee labada Gole ee BJFS ay maanta ku guuleysteen inay qabtaan doorashada madaxweynaha oo ugu dambeysay maadaama kal hore lasoo doortay xildhibaanada labada gole ayna doorteen shir gudoonada iyo ku xigeenadooda.
Maanta oo taariiqdu aheyd 15-ka May 2022, kuna beegan maalinta dhalinyarada Soomaaliyeed ee SYL ayey kusoo aaday doorashada madaxweynaha 10aad ee Jamhuuriyadda Soomaaliya, waxaa xilkaan isku soo sharaxay tiro ku dhaw 40 musharax.
Wareeggii koowaad ee doorashada waxaa codadka loo kala helay :-
1 : Saciid Cabdullaahi Deni oo helay 65 cod
2 :Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo helay 59
3 : Xasan Cali Khayre 47
4 : Xasan Shiikh Maxamuud 52 Cod
5 : Shariif Shiikh Axmed 39 Cod
6 : Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame 15 Cod
7 : Cabdiqaadir Cosoble 12 Cod
8 : Caddow Cali Gees 8 Cod
9 : Cabdiraxmaan Macalin Ablaal 2 Cod
10 : Thaabid Cabdi Maxamed 1 Cod
11 : Cabdinuur Sheekh Maxamed Maxamuud 2 Cod
12 : Cabdiraxmaan Cali 1 Cod.
Labo iyo tobankaa musharax ayaa ah kuwa helay codadkii la dhiibta, sidaasi daraadeed waxaa wareegga labaad ee doorashada Madaxweynaha u gudbaya musharixiinta kala ah:
1 : Saciid Cabdullaahi Deni
2 : Maxamed Cabdullaahi Farmaajo
3 : Xasan Shiikh Maxamuud
4 : Xasan Cali Khayre
Waxaa intaa kadib loo gudbay wareegga labaad ee doorashada iyadoona ay musharaxiintu codadka ukala heleen sida tan :-
1 : Hassan Sheikh Mohamuud 110
2 : Mohamed Abdulaahi Farmaajo 83
3 : Saciid Cabdulaahi Maxamed Deni 68
4 : Hassan Ali Kheyre 63
Wareegga 3aad ee ugu dambeeya doorashada madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya waxaa u gudbay labada musharax ee ugu codka badan wareega 2aad oo kala ah Hassan Sh Mohamuud & Mohamed Abdulahi Farmaajo.
Waxaa natiijada wareegga ugu dambeeya kusoo baxay Hassan Sh Mohamuud oo ahaa madaxweynihii 8aad ee Soomaaliya, gudoomiyaha golaha shacabka Sh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa ku dhawaaqaya natiijada doorashada madaxweynaha wareeggii ugu dambeeyay.
Madaxweynaha la doortay Hassan Sh Mohamud ayaa lagu dhaariyay isla goobtii ay doorashada ka dhacday, Madaxweynihii hore ee laga guuleystay ayaa u mahad celiyay Xildhibaanada labada gole ee Baarlamaanka Soomaaliya.
Hassan Sh Mohamuud madaxweynaha la doortay oo dhankiisa hadlay ayaa u mahad celiyay cid walba oo kaalin ku laheyd doorashada inay qabsoonto, isagoo sheegay inuusan jiri doonin iska aarsi siyaasadeed.