Saldhig ay ku sugnaayeen ciidanka Puntland oo la weeraray.
Galgala : Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa ay kasoo baxayaan weerar madaafiic ahaa oo xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab ay ku qaadeen Saldhigga Ciidamada Puntland ee deegaanka Galgala oo katirsan Gobolka Bari.
Wararka la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in tiro madaafiic ah ay ku dhaceen xerada Ciidamada Puntland ee deegaanka Galgala iyo agagaarkeeda, waxaana inta la xaqiijiyay ku dhaawacmay hal Askari lamana soo sheegin qasaare soo gaaray dadka deegaanka.
Sidoo kale goobjoogayaal deegaanka ah ayaa sheegay in dhankooda Ciidamada Daraawiishta Puntland ay madaafiic uga jawaabeen weerarka kaga yimid dhinaca Al-Shabaab, balse aan la ogeyn khasaaraha ka dhashay weerarka jawaab celinta ah.
Saraakiisha Ciidamada Ammaanka Puntland ee Gobolka Bari ayaan weli ka hadlin weerarkaas, hayeeshee waxaa xusid mudan in dhowr jeer ay Al-Shabaab ay weerar madaafiic & mid toos ahba ku qaadeen deegaanka Galgala ee Gobolka Bari.
Ciidamada maamulka Puntland ayaa in muddo ahba dagaal kula jira dhaq dhaqaaqa Al-shabaab & Daacish oo dagaalamayaal ka tirsan ay ku jiraan sil silada buuraleyda ah ee Golis, oo ka tirsan gobolka Bari.