Arbaco, 25 Nofembar 2026
Siyaasadda

Kenya & USA oo kawada hadlay amaanka Soomaaliya.

Kenya & USA oo kawada hadlay amaanka Soomaaliya.

Nairobi : Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyata ayaa kulan la qaatay taliyaha ciidamada Mareykanka ee Africa Jeneraal Stephen Townsend oo ku booqday aqalka madaxtooyada ee magaalada Nairobi.

Madaxweyne Kenyata ayaa wadahadalka uu la yeeshay Gen. Townsend oo ah taliyaha ciidamada Mareykanka ee Afrika, waxa ay ku qotomeen nabadda iyo ammaanka gobolka Geeska Afrika, iyadoo si gaar ah diiradda loogu saaray Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa bogaadiyay iskaashiga ka dhaxeeya Kenya iyo Mareykanka ee ku aaddan arrimaha ammaanka, gaar ahaan la dagaallanka argagixisada ka jirta gobolka geeska Africa.

“Waxaan ka mahadcelineynaa shaqada aan sameynay annaga oo kaashanayna Taliska Mareykanka ee Afrika ee ku saabsan nabadda iyo ammaanka gobolka. Waxaan rajeyneynaa inaan sii wadno iskaashiga,” ayuu madaxweyne Kenyata u sheegay Gen. Townsend.

Dhankiisa taliyaha ciidamada Mareykanka ee qaaradda Africa Gen. Townsend ayaa u xaqiijiyay madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyata inay sii wadi doonaan iskaashiga ka dhaxeeya Mareykanka iyo militariga Kenya.

Gen. Townsend ayaa waxaa safarkiisa ku wehliyay Eric Kneedler oo ah sii hayaha safaaradda Mareykanka ee Nairobi halka dhanka Kenya ay ka socdeen taliyaha ciidamada difaaca Gen. Robert Kibochi iyo madaxa adeega dadweynaha Dr. Joseph Kinyua. Taliyaha ciidamada Mareykanka ee Qaarada Africa Jeneraal Stephen Townsend ayaa dhawaan yimid Magaalada Hargeysa, isaga oo wada-hadallo la yeeshay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi sidoo kalena waxa uu booqday dekadda Magaalada Berbera