Arbaco, 25 Nofembar 2026
Wararka Gudaha

Faah faahinta qarax ka dhacay Sh Dhexe.

Faah faahinta qarax ka dhacay Sh Dhexe.

Balcad : Wararka naga soo gaaraya dagmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxa ay sheegayaan in barqadii maanta uu ka dhacay Qarax khasaaro geystay, oo lala eegtay maqaaxi halkaa ku taala.

Qaraxaan oo ahaa miinada nooca dhulka lagu aaso ayaa waxaa uu ka dhacay maqaayad ku taalla degmada balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, taas oo kasoo horjeeda Xarunta Maamulka degmada balcad, islamarkaana ay inta badan tagaan xubno kamid ah Shaqaalaha Maamulka degmadaas.

Sida ay noo sheegeen dad goob joogayaal ah, xiliga uu dhacayay qaraxa waxaa maqaaxida ku sugnaa dad isugu jira shacab iyo xubno maamulka degmada Balcad, kuwaas oo ka cunteeynayay, waxaana ka dhashay khasaaro dhimasho iyo dhaawac.

Maamulka degmada & dadka deegaanka ayaa gurmad u sameeyay dadkii ku waxyeeloobay qaraxa, iyadoo goobta ay buux dhaafiyeen ciidamada ammaanka ee degmada Balcad iyo mas’uuliyiin ka tirsan degmada.

Ilaa iyo hadda si rasmi ah looma ogaan inta uu la egyahay khasaaraha ka dhashay qaraxa maanta ka dhacay degmada Balcad, balse goobjoogayaal ayaa inoo sheegay inuu jiro qasaare badan oo dhaawac ah.