Arbaco, 25 Nofembar 2026
Siyaasadda

Madaxweynaha cusub oo la kulmay xubnaha midowgii musharaxiinta ee uu ka tirsanaa.

Madaxweynaha cusub oo la kulmay xubnaha midowgii musharaxiinta ee uu ka tirsanaa.

Muqdisho : Madaxweynaha dooran ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan la qaatay xubno mid ah musharaxiintii xilka Madaxweynaha ee ka tirsanaa Midowgii Musharaxiinta oo uu kamidka ahaa.

Xubnaha midowga musharaxiinta iyo Madaxweynaha JFS ayaa ka wada hadlay arimo ku saabsan xaalada guud ee dalka, iyo sidii isbedel uu u keeni lahaa madaxweynaha 10aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sh ayaa uga mahadceliyey Musharixiinta madaxweynaha oo shantii sano ee lasoo dhaafay ay kawada tirsanaayeen midowgii musharaxiinta salaanta iyo booqashada ay ugu yimaadeen waxaa uuna ka aqbalay una sheegay in ay ka go’antahay sidii uu u dhisi lahaa Dowlad loo dhanyahay oo soo dhaweeysa muxaafid iyo mucaaradba.

Madaxweynihii 8aad ee dalka ayaa mar kale ku guuleystay xilka isagoo noqday madaxweynaha 10aad ee JFS, waxaana horyaalla arrimo badan oo wax ka qabad u baahan waxaana ugu horeeya Arrimaha Amniga, Xaalada nololeed oo ka dhashay abaar daba dheeraatay oo dalka ragaadisay iyo qodobo kale oo siyaasi ah.