Madaxweyne Xasan Sh oo la kulmay safiirada dalal carbeed.
Muqdisho : Madaxweynaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta la kulmay safiirka dowlada Sacuudiga u fadhiya Soomaaliya.
Kulanka oo ahaa mid Salaan iyo Hambalyo ah ayaa safiirka waxaa uu madaxweynaha ugu hambalyeeyay guusha uu ka gaaray doorashadii madaxtinimada ee dhawaan ka dhacday dalka.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhankiisa uga mahad celiyay Safiirka Sacuudiga taageerada ay siiyaan dowladda, isaga oo sheegay inay xoojin doonaan wadashaqeynta iyo xiriirka labada dal.
Dhinaca kale Madaxweynaha JFS mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxa uu la kulmay safiirka dowladda Qatar u jooga Soomaaliya Ambassador Hassan bin Hamza Hashem.
Hassan bin Hamza Hashem ayaa salaan iyo duco ugu yimid madaxweynaha, waxaana uu ugu hambalyeeyay guusha uu ka gaaray doorashadii ka dhacday magaaladda Muqdisho ee madaxweyne Xasan Sh Maxamuud uu ku guuleystay .
Madaxweynaha Cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wada kulamada uu la yeelanayo Wakiilada Beesha Caalanka, siyaasiyiinta & Madaxda maamul goboleedyada iyada oo uusan weli xilka la wareegin.