Kulan looga hadlayay Amniga oo ka dhacay Mudug.
Gaalkacyo : Gudoomiyaha gobolka Mudug ee dowlad goboleedka Galmudug Axmed Bukhaari ayaa kulan deg deg ah oo ku saabsan sugidda amniga gobolka Mudug waxaa uu la qaatay Saraakiisha ciidanka.
Kulanka ayaa waxaa ka qeyb galay taliska qeybta booliska gobolka, kan degmada, gudoomiye ku xigeenka degmada iyo saraakiisha ciidamada xasilinta gobolka Mudug, kuwaas oo door muhiim ah ka qaata sugidda amniga gobolka Mudug.
kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii wax looga qaban lahaa fal-dabiyeedyada amniga ka dhanka ah ee saacadihidii ugu danbeeyay ka dhacay degmada Gaalkacyo.
Gudoomiyaha ayaa hay’adaha amniga ee ka howlgala gobolka & saraakiisha ciidanka waxa uu ka codsaday in gacanta lagu soo dhigo kooxo hubeysan oo shalay labo ruux ku dilay duleedka magaalada Gaalkacyo.
Gobolka Mudug gaar ahaan magaalada xarunta u ah ee Gaalkacyo ayaa waxa ay u qeybsan tahay laba daan, iyadoo ay ka kala arrimiyaan maamulada Galmudug & Puntland, waxaana dhowr jeer oo hore halkaas ka dhacay dagaal u dhaxeeya maleeshiyo qaab qabiil u abaabulan oo labada dhinac kasoo kala jeeda, balse sanadihii dambe amniga Gaalkacyo waxa uu ahaa mid hagaagsan.