Talaado, 24 Nofembar 2026
Ganacsiga

IMF oo aqbashay codsi ay u dirtay dowladda Soomaaliya.

IMF oo aqbashay codsi ay u dirtay dowladda Soomaaliya.

Washington : Hay’adda lacagta aduunka ee IMF ayaa waxa ay ogolaatay inay kordhiso mudada taageeradeeda dhaqaale ee ay siiso Soomaaliya, kadib doorashadii madaxtinimo ee todobaadkii hore ka dhacday Muqdisho.

Taageerada maaliyadeed ee hay’adda IMF oo soo socotay saddexdii sano ee ugu dambeysay, taasi oo ahayd $400m, ayaa loo qorsheeyay inay si toos ah u dhacayso 17-ka May 2022 haddii aysan Soomaaliya helin dowlad cusub.

Todobaadkii hore ayaa guddiga sare ee IMF-ta waxa ay aqbaleen codsigii dowladda Soomaaliya ee ahaa in muddo saddex bilood ah lagu kordhiyo illaa 17-ka August, si loogu taageero madaxweynaha cusub ee la doortay Xasan Sheekh Maxamuud, waqti ay dowladdiisa kusii dhaqaajiso isbedellada la qorsheeyay.

"Muddo kordhintu waxay bixin doontaa wakhtiga loo baahan yahay si loo xaqiijiyo isfahamka dawladda cusub iyo xaqiijinta damaanad qaadka maalgelinta ee la-hawlgalayaasha horumarinta," ayay tiri Laura Jaramillo, oo ah madaxa howlgalka IMF ee Soomaaliya. Saaxiibada Soomaaliya ee caalamka ayaa soo dhaweeyay doorashada Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, iyadoo dad badan ay rajeynayaan in ay soo afjari doonto xiisadda siyaasadeed ee muddada dheer soo jirtay.