Saciid Deni oo safar dibadda ah u baxaya.
Muqdisho : Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa magaalada Muqdisho ayaa maanta waxaa uu ku wajahan yahay magaalada Nairobi ee Caasimadda wadanka Kenya.
Madaxweyne Saciid Deni ayaa waxaa warar la helayo ay sheegayaan in safarkiisa Kenya uu la xiriiro kulamo kala duwan oo uu halkaas kula qaadanayo mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Kenya, ganacsato iyo xubno kale oo ku sugan magaalada Nairobi.
Madaxweynaha Maamulka Puntland ayaa markii hore u yimid magaalada Muqdisho ololihiisii musharaxnimo ee xilka Madaxweynaha dowladda Federaalka, isagoona u tartamay doorashada Madaxweynaha JFS, wuxuuna ku haray wareegii labaad ee doorashada.
Sidoo kale wafdi uu hogaaminayo Guddoomiyaha Baarlamanka Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, Wasiiro, Xildhibaano iyo xubno kale oo ku sugnaa magaalada Muqdisho ayaa iyaguna waxaa ay kusii jeedaan magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland.
Madaxda maamul Goboleedyada oo intooda badan ku sugnaa Muqdisho ayaa dib ugu laabanaya Xarumaha maamulada, waxaana shalay Kismaayo ku laabtay Madaxweyne Axmed Madoobe, halka Madaxweyne Cabdicasiis Lafta-gareen uu isna ku laabtay magaalada Baydhabo.