Goormee la qaadayaa Imtixaanka Shahaadiga ah ee Dowladda?
Muqdisho : Wasaaradda Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa ardayda, waalidiinta, macallimiinta, maamulayaasha iyo dhammaan bahwadaagta waxbarashada Soomaaliyeed la wadaagtay shaacinta waqtiga la galayo imtixaanka midaysan ee fasalka 12aad.
Wasaaradda Waxbarashada ee JFS markii ay wadatashi ku saabsan qaadista imtixaanka la sameysay bahwadaagta waxbarashada qaybahooda kala duwan waxa ay go’aamisay in waqtiga qaadista imtixaanka sanad dugsiyadeedka 2021/2022 uu noqon doono taariikhdu markay ku beegan tahay 18-ka ilaa 22-ka Juun, 2022.
Wasaaradda ayaa ku boorisay dhammaan ardayda dhigata fasalka 12aad in ay u diyaar-garoobaan imtixaanka, sidoo kale waalidiinta iyo maamulayaasha dugsiyadana waxa ay ka rajeysay in ay ardayda ku garab-siin doonaan diyaar garowgooda.
Sidoo kale Wasaaradda ayaa xustay in dhammaan ardayda ka qalin-jabinaysa fasalka 12aad ee sanad dugsiyadeedka 2021/2022 iyo ardayda ku hartay imtixaankii hore ee dib isku diiwaangeliyay si ay uga qayb-noqdaan imtixaanka sanadkaan loo diyaariyay aqoonsiyadooda si ay ugu fariistaan imtixaanka iyaga oo ka heli doona dugsiyadooda.
Wasaaradda Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ku wargelisay in “Arday waliba oo aan horay isku diiwaan-gelin uusan ka qayb-geli doonin imtixaanka sanad-dugsiyadeedka 2021/2022”.