Khamiis, 26 Nofembar 2026
Wararka Gudaha

Faah faahin : dil ka dhacay Gobolka Mudug.

Faah faahin : dil ka dhacay Gobolka Mudug.

Gaalkacyo : Kooxo hubeysan ayaa barqanimadii maanta waxaa ay waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ku dileen wiil dhalinyaro ahaa, kaas oo lagu magacaabi jiray Sakariye Saciid, iyaga oo dilka kadib goobta ka baxsaday

Wiilka la dilay ayaa kamid ahaa dhalinyarada haldoorka ah ee u ololeyn jiray Nabadda magaalada Gaalkacyo oo dhowr jeer colaad beeleedyo ay ka dhaceen, sidoo kalena kamid ahaa Saraakiisha dowladda hoose ee Puntland.

Ciidamo katirsan kuwa Puntland ayaa tagay goobta uu dilka ka dhacay, iyaga oo sameeyay howlgallo baaritaano ah, waxaana wararka aan helnay ay sheegayaan in dilka Sakariye uu la xiriiro aanooyin qabiil oo kajira magaalada Gaalkacyo.

Magaalada Gaalkacyo iyo deegaanada hoostaga ee gobolka Mudug ayaa dhowr jeer waxaa ka dhacay dilal qorsheysan iyo qaraxyo oo ay qaar kamid ah mas’uuliyadooda sheegteen Ururka Al-Shabaab walow dhowrkii sano ee la soo dhaafay xaaladda magaalada ay aheyd mid wanaagsan oo aysan ka dhicin dagaallo qabiil u dhaxeeya.