Arbaco, 25 Nofembar 2026
Siyaasadda

Farmaajo oo markii ugu horeysay fagaare kaga hadlay ciidankii Eritrea loo qaaday.

Farmaajo oo markii ugu horeysay fagaare kaga hadlay ciidankii Eritrea loo qaaday.

Muqdisho : Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa markii ugu horreysay waxa uu ka hadlay dhalinyaro Soomaali ah oo tababar ciidan loogu qaaday dalka Eritrea weliba goob fagaare ah.

Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo ka hadlayay xaflad uu xilka ugu wareejinayay Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya ayaa waxaa uu sheegey inuu Madaxweynaha la doortey ku wareejiyey document-ga ciidamo 5,000 ah oo ku maqan dalka Eritrea.

Madaxweynihii 9aad ee Soomaaliya Maxamed Farmajo ayaa waxa uu sheegay in dowladiisu keeni weysay ciidankaan sababtoo ah Xaaladda siyaasadeed ee dalka ka jirtay & doorashooyinka oo dhawaa awgeed.

“Shan kun oo askari ayaanu tababar u geynay dalka Eretareeya waxa ay tababarka dhammeysteen sanadkii hore bartamihiisa, waxaana dib ugu dhignay xaaladda aan ku jirnay iyo in aysan saameyn Doorashada Dalka”. ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Madaxweyne hore Farmajo aya sheegey inuu Madaxweynaha cusub ku wareejiyey Hawada, barnaamijka deyn cafinta, codsi xubin nimada golaha amaanka qaramada midoobey iyo xeerka doorashada oo uu sheegey inuu ahaa mid dhib badan.

Maxamed Cabdulaahi Farmaajo Madaxweynihii 9aad ee dalka Ayaan ku dhiiran inuu mar qura kasoo muuqdo warbaahinta si uu xaaladda dhalinyarada ku maqan wadanka Eritrea ula wadaago ehellada iyo guud ahaan bulshada Soomaaliyeed.

Madaxweyne Xasan Sh Maxamuud ayaa dhankiisa sheegay inuu la wareegay document-yo badan uuna aqrin doonno wixii kasoo laabtana uu kala hadli doono Madaxweynihii hore ee dalka Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.