Talaado, 24 Nofembar 2026
Siyaasadda

Madaxweyne Xasan Sh oo ka hadlay ciidanka Eritrea ku maqan.

Madaxweyne Xasan Sh oo ka hadlay ciidanka Eritrea ku maqan.

Muqdisho : Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay inay ka shaqeyn doonaan sidii ciidamada Eritrea la geeyay dalka sida uga dhakhsiyaha badan dib loogu soo celin lahaa.

Waxaa uu sheegay in ay ka go’an tahay sidii ciidamadaasi ay qeyb uga noqon lahaayeen ciidamada kala duwan ee qalabka sida ee ku jira dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaabka dagaalka kala hor jeeda dowladda Soomaaliya.

“Ciidamada Eritrea jiray muddo dheer wey naga maqnaayeen waana wiilasheenii, waan ka shaqeyneynaa sida ugu dhakhsiyaha badan in dalka ay ugu soo noqdaan oo dalka dib u xoreyntiisa qeybta weyn ay ku leeyihiin ay ka qaataan, waa ciidan Soomaaliyeed, dalka Soomaaliya baana iska leh”

Xafladda xil wareejinta Madaxweynaha ayuu Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Farmaajo isagoo ka hadlaya waxaa uu sheegey in Madaxweynaha la doortey uu ku wareejiyey Feylka ciidamo 5,000 ah oo ku maqan dalka Eritrea.

Maxamed Cabdulaahi Farmajo aya sheegey inaysan dowladdiisu u suurto gelin inay dalka keenaan ciidankaan sababtoo ah Xaaladda siyaasadeed ee dalka ka jirtay awgeed & doorashada.

Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si rasmi ah xilka ula wareegay kadib munaasabad maanta lagu qabtay Xarunta Madaxtooyada qaranka Soomaaliya.

Madaxweynaha cusub ayaa waxa uu Madaxweynihii hore uga mahad celiyay sida wanaagsan ee uu xilka ugu wareejiyay, isagoona sheegay inuu la tashan doono oo uu yahay Madaxweyne Soomaaliyeed.

Madaxweynaha xafiiska baneeyay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Madaxweynaha cusub uga warbixiyay howlihii uu gacanta ku hayay ee u baahan in la dhameystiro kuwaas oo ay kamid yihiin deynta cafinta iyo dib u dhiska ciidanka.