Arbaco, 25 Nofembar 2026
Wararka Gudaha

Ciidanka Amniga Galmudug oo ku raad jooga rag dil geystay.

Ciidanka Amniga Galmudug oo ku raad jooga rag dil geystay.

Caabud Waaq : Ciidamada Ammaanka dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya oo gacan ka helaya kuwa Maamulka Galmudug ayaa deegaano dhaca waqooyiga Gobolka Galgaduud ka bilaabay howgallo lagu baadigoobayo maleeshiyaad dilal u geystay dad shacab ahaa.

Maleeshiyaad hubeysan ayaa shalay gelinkii dambe waxaa ay aano qabiil laba qof oo shacab ahaa ugu dileen deegaan lagu magacaabo Ceelasha Biyaha oo kuyaalla inta u dhaxeeysa degmooyinka Caabudwaaq iyo Ballanbal ee Gobolka Galgaduud kadibna goobta ayey ka baxsadeen.

Ciidamada howlgalka wada ayaa waxaa hogaaminaya mas’uuliyiinta Maamulada degmooyinka Cabudwaaq iyo Xeraale, waxaana ay sheegeen inay rajo weyn ka qabaan soo qabashada ragga dilka u geystay labada ruux.

Todobaadyadii la soo dhaafay ayaa muran dhuleed waxaa uu ka taagnaa deegaanno ku xeeran degmooyinka Cabudwaaq, Xeraale iyo Magaalada Cadaado, waxaana taasi ay keentay in dad Xoolo dhaqato ah si bareer ah loo dilo, waxaana deegaannada ay dilalka ka dhaceen ka taagan xiisad keeni karta inay dhinacyadu dagaal toos ah galaan.