Khamiis, 26 Nofembar 2026
Wararka Gudaha

Soomaalida & Cafarta oo uu dagaal dhex maray.

Soomaalida & Cafarta oo uu dagaal dhex maray.

Sitti : Dagaalka ayaa waxaa uu Galbeedka Gobolka Sitti ee dowlad deegaanka Soomaalida ku dhexmaray Ciidamo iyo maleeshiyaad Soomaali ah iyo maleeshiyaadka Canfarta oo kamid ah qowmiyadaha dega dalalka Itoobiya & Jabuuti.

Dagaalka ayaa waxaa uu ka dambeeyay kadib markii Ciidamada iyo maleeshiyaadka Canfarta ay weerar ku qaadeen deegaanka Cundhufa, halkaas oo ay degan yihiin Soomaalida, waxaana dagaal xoogan oo ka dhacay la xaqiijiyay inay ku geeriyoodeen 8 Ruux halka 7 kalena ay ku dhaawacmeen.

Dagaalka ayaa waxaa uu ka dhacay Aagag kala duwan, waxaana goobjoogayaal ay sheegeen in Ciidamada iyo Maleeshiyaadka Canfarta ay dib ugu laabteen halkii ay kasoo weerar tageen kadib markii ay iska caabin kala kulmeen Soomaalida Xoolo dhaqatada ah ee kunool deegaanka Cundhufa ee gobolka Sitti.

Dagaalka Soomaalida iyo Canfarta ayaa kusoo laa laabtay dhulka Soomaalida Itoobiya, iyada oo dowladda Itoobiya ay kor ka fiirsaneyso dagaalka, isla markaana aysan weli qaadin tallaabo looga hortagayo ama markii uu dhaco lagu joojinayo.