Axmed Qoor qoor oo booqday xeryaha ciidanka.
Dhusa Mareeb : Madaxweynaha Dowlad goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye Qoor qoor ayaa kormeer ku tagay talisyada ciimadada kala duwan ee qalabka sida ee daagaanada maamulkiisa.
Kormeerka Madaxweynaha ayaa waxaa ku wehlinayay wasiiro ka tirsan xukuumadda Galmudug, saraakiisha ciidamada qalabka sida, gudoomiyaha gobolka Galgaduud iyo maamulka degmada Dhuusamarreeb.
Madaxweynaha oo la hadlayay ciidamada qalabka sida ayaa ku bogaadiyay guulihii dhawaan ay kasoo hoyeen howlgalkii xasilinta caasimadda iyo deegaanada hoos taga, isagoona ku dhiirageliyay ciidamada kala duwan inay sii joogteeyaan sida naf hurnimada leh oo ay waajibkooda u gutaan oo ah difaaca nafta iyo sharafka shacabka reer Galmudug.
Axmed Cabdi Kaariye Qoor qoor ayaa kamid ahaa madaxdii maamulada dalka ee mudooyinkii dambe ku sugnaa magaalada Muqdisho isagoona qeyb ka ahaa ololeeyeyaashii doorashadii Madaxweynaha 10aad ee JFS oo 15-kii bishan May ka dhacday Muqdisho.
Deegaanada maamulka Galmudug waxaa mar qura kawada maqnaa Madaxweynaha, ku xigeenkiisa iyo gudoomiyaha golaha wakiilada ee dowlad goboleedka, waxaana dhowr jeer deegaanka ka dhacay falal amni darro oo ay ugu weyneyd dagaalkii ay xoogagga Ahlu Sunada hubeysan ay kusoo qaadeen Caasimadda Dhuusa Mareeb.