Mareykanka oo tallaalka COVID-19 ugu deeqay Soomaaliya.
Muqdisho : Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa waxay ku dhawaaqday inay magaalada Muqdisho keentay 286,650 dhibcood oo dheeri ah oo ah tallaalka Pfizer ee loogu talo galay caabuqa COVID-19.
Shixnadaan ayaa waxa ay qayb ka tahay ballan qaadka Maraykanka uu kaga jawaabayo dadaalada caalamiga ah ee lagula dagaalamayo COVID-19, isagoona u maraya qaybinta tallaalka COVAX.
Sida uu sheegay madaxweyne Biden, Mareykanka waxaa ka go’an dadaallada tallaalka caalamiga ah, si loo badbaadiyo nolosha dadka Soomaaliyeed iyo soo afjarida masiibada Covid19 oo dunida si ba’an u saameeyay.
Maraykanku waxa uu ballan qaaday inuu bixiyo 1.1 bilyan oo tallaalka COVID-19 ah adduunka oo dhan, Ilaa hadda Maraykanku waxa uu in ka badan 500 milyan oo tallaal ah waxaa uu gaarsiiyay in ka badan 115 waddan oo caalamka ah.